756 Views

Qoysas ka barakacay dagaal ka dhacay tuulooyin hoostaga Gobolka Gedo

Qoysas ka barakacay dagaal ka dhacay tuulooyin hoostaga  Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Isniin: July 12, 2021


Ku dhawaad labaatan qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dagaal dhexmaraya miliishiyo beeleedyo wada degan tuulooyin hoos taga degmada Doolow ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo socday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa keenay inay boqollaal qoys ka barkacaan deegaano u dhaxeeya tuulada Bohol Garas iyo degmada Doolow.

Qoysaska barakacay oo ka gudbay webiga ayaa gaaray degmada Doolow, waxaana la soo weriyay inay la soo gudboonaadeen duruufo adag oo dhinaca nolosha ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post