861 Views

Qarax ka dhacay degmada Balli-dhiig ee Somaliland.

Qarax ka dhacay degmada Balli-dhiig ee Somaliland.
____________________________________________________________________________

.

Wararka naga soo gaaraya degmada Balli-dhiig ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Qarax miino uu shalay galinkii dambe ka dhacay degmadaasi, kaasi oo sababay khasaaro baaxad leh oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa miinada ayaa haleelay gaari bas ah oo marayey duleedka degmada Balli-dhiig, sida ay dad deegaanka ah u sheegen saxafada.

Sidoo kale Qaraxa ayaa sababay dhimashada hal qof, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale oo hadda lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad Isbitaal ku yaala gobolka Togdheer ee Somaliland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post