909 Views

Muxuu salka ku hayaa muranka doorashada ee Hirshabelle?

Muxuu salka ku hayaa muranka doorashada ee Hirshabelle?
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 07, |  2020—Xafiiska madaxweynaha maamul gobleedka Hirshabelle ayaa meesha ka saaray jadwal ay dhawaan soo saareen guddiga farsamada doorashada ee maamulkaas tan iyo inta laga dhameystirayo qodobo dhowr ah oo la xiriira guddiga.

Warqaddan kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa guddiga lagu farayaa qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ay wada tashi kula soo noqdaan wasaaradda arimaha gudaha ee Hirshabelle, beelo badan aysan ku qanacsaneyn qaabka awoodda loo qeybsanayo iyo in guddiga lagu daro xubno haween ah.

“Jadwalka maanta guddiga soo saaray ee uu faafiyay latashi la’aan ma aha mid ka turjumaa xaqiiqda Hirshabelle hadda ku sugan tahay, haddaba jadawalkaas ma aha mid rasmi oo lagu shaqo gelayo waqtiga xaadirka ah, guddiga ma soo saari karo wax go’aanno ah inta la qabyo tirayo oo lagu soo darayo xubnaha ka dhiman” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabelle.

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa BBC-da u sheegay in guddiga uu yahay mid farsamo una baahan dhameystir sidaas darteedna meesha looga saaray jadwalkii doorashada ee dhawaan la shaaciyay.

“Madaxweynaha go’aanada ugu dambeeyay isaga ayaa iska leh, guddiga markii la magacaabay ma aheyn guddi doorasho oo madaxbanaan wuxuu ahaa guddi farsamo, shaqadaas waxaa ka mas’uul ah wasaaradda arrimaha gudaha iyo wasaaradda arrimaha gudaha federaalka oo kor joogteyneyso doorashada ayaa ka mas’uul ah..marka waxay aheyd in guddiga la dhameystiro”

Wuxuu sidoo kale sheegay in markii ay dhaceen khaladaadka ah in guddiga aan lagu soo darin xubno haween ah isla markaana si weyn looga hor yimid.

“Saddex xubnood ayaa u diyaar ah in hadda lagu daro marka guddiga iyagoo aan dhameystirneyn ayay go’aanka gaareen”

Maxamed Cali Caadle wuxuu sheegay in guddiga uusan ku adkeysan karin in uu sii wato shaqadiisa maadama guddiga uu yahay mid farsamo ah oo aanan madaxbanaaneyn.

“Guddiga la magacaabay waaye, waa guddi farsamo ma ahan guddiga mid madaxbanaan, suuragal ma ahan in wax khilaaf ah ay ka yimaadaan wax dhibaata kuma jiraan guddigan madaxweynaha baa magacaabay, warqadda madaxweynaha soo qoray hadduu rabo waa kala diraa awood buu u leeyahay hadduu rabo wasaarad kale ayuu hoos geyn karaa” ayuu yiri wasiirka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post