744 Views

Cabdiqani Siciid Carab Oo Laga Qaaday Xilka Guddoomiyihii Xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed

Cabdiqani Siciid Carab Oo Laga Qaaday Xilka Guddoomiyihii Xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

isniin: December 13, 2021

Qaar ka mid ah guddiga fulinta xiriirka kubbada cagta ayaa kulan ay xalay yeesheen waxa ay ku sheegeen inay shaqo joojin ku sameeyeen Guddoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cabdiqani Siciid Carab.

Xoghayaha xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed Yuusuf Muxuyidiin Axmed oo la hadlay saxaafada kulanka kadib ayaa waxaa uu sheegay in si kumeel gaar ah guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta uu sii hayn doono guddoomiye ku xigeenka Cali Cabdi Maxamed “Cali Shiine”.

Qodobada lagu eedeeyay guddoomiyihii mudada dheer hayay xilka guddoomiyihii xiriirka kubbada cagta inuu ku xadgudbay awoodaha guddoomiyaha, isla markaana meel uga dhacay qodobo ka mid ah dastuurka xiriirka Soomaaliyeed, isaga oo adeegsanaya awoodda iyo faro-gelinta arrimaha maamulka iyo shaqooyin maamlmeedka xiriirka.

Sidoo kale qodobada lagu eedeeyay guddoomiyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ayaa waxaa kamid ah inuu is-hortaag ku sameeyey in la qabto horyaalka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed ayaa khilaaf hareeyay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxa u sababay inuu dib u dhac ku yimaado qabashada horyaalka kubbada cagta iyo koobka General Daa’uud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post