1419 Views

Sawirro:-Xagee Ayay Ku Dambeysay Amiiradii U Dhalatay Imaaraadka Ee Baxsatay ?

Sawirro:-Xagee Ayay Ku Dambeysay Amiiradii U Dhalatay Imaaraadka Ee Baxsatay ?
____________________________________________________________________________

\Muqdisho | QOL | Diseembar 25, 2018 –Waxaa la shaaciyey sawirrada Amiirad u dhalatay Iskutaga Imaaraadka Carabta oo muddo dheer maqnayd

Sheikha Latifa, oo ah gabadh uu dhalay boqorka haya maamulka Dubai, ayaa waxaa lagu soo warramay inay isku dayday inay baxsato bishii Maarso.

Goob joogeyaal ayaa sheegay in la soo qabtay xilli ay saarneyd doon nooca dheereeya ah oo mareysay meel u dhow dalka Hindiya, si khasab ahna dib loogu soo celiyay.

Iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa dafiray wararkaas, waxayna sheegeen in ay qoyskeeda la nooshahay Amiiradda.

Dhacdadaan ayaa walaac ku abuurtay qaar ka mid ah dalalka caalamka iyo hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka.

Maalintii Isniinta ahayd ayuu wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iskutaga Imaaraadka Carabta sheegay inuu soo saaray warbixin, uuna la wadaagay Qaramada Midoobay.

Bayaanka ayaa lagu qeexay “falcelinta iyo ka jawaabidda wararka been abuurka ah” ee laga shaaciyey Amiiradda.

Sawirka ayaa gabadhan lagu magacaabo Sheikha Latifa waxaa ku wehliyey Mary Robinson, oo ahayd goddoomiyihii hore ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul Insaanka, oo horayna u soo noqotay madaxweynaha dalka Ireland.

Sawirka ayaa sida la sheegay waxaa lagu qaaday magaalada Dubai, taariikhdu markii ay ku beegneyd 15-kii bishan Desembar.

Qaramada Midoobay weli wax jawaab ah kama aysan bixinnin bayaanka la soo saaray.  Amiiradda ayaa sida la sheegay u samaysay falkaan si ay u hesho nolol xor ah.

Gabadhan oo 33 sanno jir ah ayaa lagu soo warramay inay caawinaad ka heshay Herve Jaubert, oo horay u ahaa basaas u dhashay dalka Faransiiska.

Kaddib markii gabadhan la waayey, waxaa la baahiyey muuqaal lagu tusayay qorshihii ay ku baxsan lahayd.

“Haddii aad daawanaysid muuqaalkan, ma’ahan wax wanaagsan. waa labo arrimood midkood, inaan dhintay iyo inaan xaalad xun ku suganahay,” ayey ku tiri muuqaalkeeda.

Muqaalka ayey sidoo kale ku sheegtay in iyada iyo qoyskeedaba “aysan haysanin xorriyad”, waxayna ka hadashay dadaaladeeda ay ku doonaysay inay dalkeeda uga tagto marka ay jirsatay 16 sanno. Waxa ayna sheegtay in xabsi la geliyey muddo 3 sanno ah, lana jirdilay

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment