459 Views

Hay’adda IRC oo ka digtay in si degdeg wax loogaga qabto dhaqaalaha Afgaanistaan

Hay’adda IRC oo ka digtay in si degdeg wax loogaga qabto dhaqaalaha Afgaanistaan
____________________________________________________________________________

Talaado: February 15, 2022

Hay’adda Caalamiga ah ee IRC ayaa waxa ay ku boorisay Mareykanka iyo wadammada reer Yurub inay si degdeg ah wax uga qabtaan dhibaatada dhaqaale ee Afgaanistaan si dadka dalkaasi ay u helaan waxyaabaha asaasiga ah.

Bayaanka oo imanayaa lix bilood kaddib markii magaalada Kabul ay la wareegeen ururka Taalibaan, ayey IRC waxa ay ku sheegtay in ku dhawaad 23 milyan oo qof oo Afgaaniyiin ah ay wajahayaan cunno yari baahsan.

Tan iyo bishii Agoosto, qiimaha la kala siisto cuntada ayaa cirka isku shareeray, iyadoo bangiyada dalkaas ay qarka u saaran yihiin inay burburaan halka dalalka deeqda bixiya ay xayireen 9 bilyan oo doolar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post