858 Views

Ciidamada amaanka ee Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb oo xiray tiro aad u badan oo kamid ah dadkii Maalmo ka hor tagay Deegaanka Bohol

Ciidamada amaanka ee Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb oo  xiray tiro aad u badan oo kamid ah dadkii Maalmo ka hor tagay Deegaanka Bohol
____________________________________________________________________________

isniin: April 25, 2022

Ciidamada amaanka ee Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa xiray tiro aad u badan oo kamid ah dadkii Maalmo ka hor Deegaanka Bohol uga qaybgalay munaasabad ay kasoo muuqdeen madaxda kooxda la baxdey Ahlusunna.

Ciidamada oo adeegsanaya macluumaad gaar ah iyo tixraaca sawirada iyo muuqaaladii laga duubey bohol ayaa labada Magaalo ka bilaabay in Dadkaasi la soo qabto, waxaana caawa xabsiyada ku hoyanaya xubno aad u badan oo qaarkood lagu tuhmayo in ay kooxda ku taageereen hiil dhaqaale iyo farsamooyin kaleba.

Marka laga soo tago in la dhigo Munaasabadaas oo kooxda la baxdey Ahlusunna Sanad waliba qabato, hadana waxa ay Xambaarsaneed Fariin Dagaal oo kooxdani halkaasi ka soo diraysay, waxa ayna soo bandhigeen dhalinyaro ay hubeeyeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post