1347 Views

Toogasho Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacday Dugsi Ku Yaalla Maraykanka

Toogasho Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacday Dugsi Ku Yaalla Maraykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 08, 2019 –2 Arday ku hubeysan qoryo ayaa la sheegay inay tacshiirad ku fureen labo fasal oo ku yaalla Dugsiga Teknoolajiyadda oo 40-KM dhanka Koonfur kaga toosan magaalladda Denver ee dalkaasi.

 

Toogashadaasi ayaa la sheegay in lagu dilay hal arday, halka 7 kalena lagu dhaawacay.

 

Boliska waxay sheegeen in toogashadaasi lagu dilay Arday 18-jir ah, iyadoo ay arday badan ka badbaadeen toogashadaasi  ka dhacday Dugsiga Sayniska, Teknoolajiyadda, Enjineeriyadda iyo Xisaabaadka (STEM).

 

Boliska waxay gacanta ku dhigeen Labadii Arday ee toogashadda geystay, kuwaasi oo lagu kala sheegay Arday qaan-gaar ah iyo mid da’diisu ka hooseyso 18-jir.

Dugsiga ay toogashadda ka dhacday waxaa wax ka barta Ardayda heer Xannaanadda Carruurta ilaa fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare.

 

Toogashadan ayaa dhacday wax ka yar hal bil, kadib, sannad-guuradii 20-aad ee xasuuqii ka dhacay Dusgiga Sare ee Columbine oo u dhow magaalladda Littleton sannadkii 1999-kii.

 

Labo arday oo dhiganaysay dugsigaasi ayaa geysatay toogasho lagu dilay 13-arday, iyadoo ardaydii dilka geysatay ay is-dileen wax yar kadib toogashadaasi

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment