903 Views

Muhaajiriin laga soo badbaadiyay xeebaha Liibiya

Muhaajiriin laga soo badbaadiyay xeebaha Liibiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 1da Maarso, 2021:Ku dhawaad 100 qof oo muhaajiriin ahaa ayaa laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Liibiya halka 15 qof ay ku dhinteen badda.

Inta badan dadkan lasoo badbaadiyay Axaddii waxay ahaayeen muhaajiriin kasoo jeeda dalalka Cameroon, Suudaan iyo Mali, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Jimcihii Ha’yadda arrimaha socdaalka qaabilsan ee IOM ayaa ku warrantay in ugu yaraan 150 qof oo muhaajiriin ahaa oo isugu jiray rag, haween iyo carruur la qabtay isla markaana dib loogu celiyay Liibiya.

Waxay sidoo kale IOM in 3,700 qof oo muhaajiriin ahaa sanadkan dib loogu celiyay Liibiya kuwaas oo aysan xaaladdooda wanaagsaneyn kadib markii la xiray.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post