261 Views

Qaar kamid ah Dhalinyaradii lagu tababaray dalka Ereteriya oo la keenay Muqdisho

Qaar kamid ah Dhalinyaradii lagu tababaray dalka Ereteriya oo la keenay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Waxaa Maanta garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad siday Cutubyadii ugu horeeyey oo kamid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagu Tababaray dalka Eritrea.

Ciidamadaan ayaa muddo sanado ah ku maqnaa dalka Ereteriya oo ay geysay dowladdii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana dhowr jeer siyaasiyiintii xilligaas mucaaradka ahaa ay sheegeen in laga dagaal geliyay Itoobiya oo badankood ay dhinteen, balse waekaasi uu beenoobay.

Ciidamada Maanta laga keenay dalka Ereteriya ayaa waxaa ay qeyb ka noqon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, iyada oo la geyn doona furimaha dagaalka ee Gobolada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligii uu mucaaradka ahaa fagaaro ka sheegay in Dhalinyaradii tababarka Ciidan loogu qaaday Ereteriya la iibsaday, balse markii uu Madaxweyne loo doortay kadib uu laba jeer u tegay, isaga oo sheegay inay badqabaan dhawaan dalka dib loogu soo celin doono.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post