546 Views

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday lamaane ka tirsan Kooxda Daacish

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday lamaane ka tirsan Kooxda Daacish
____________________________________________________________________________

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim oo loo wada haysto in ay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Dayib ayaa ku Eedeysan Samaynta Qaraxyada halka Xaliimo ay ahayd soo dhawaynta Xubnaha katirsan Daacish iyo Kaydinta Hubka ay dhibta ku gaysanayaan, waxaana Eedeysanayaasha la xiray Bishii March ee  Sanadkan.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa sheegay in 05-tii Bishii May lagu xeray xabsiga dhexe Garsuga ahaan, isla xilligaas Garsoorka ayaa ka dalbaday Xeer Ilaalinta in ay la Yimaadaan Cadaymo dhamaystiran oo lagu Maxkamadayn karo Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Baaritaan dheer kadib Maxkamadda Ciidamada Waydiistay in la maxkamadeeyo billowgii June, isla xilligaas ayay Maxkamadda aqbashay dhegeysiga Dacwadda laba Eedeysane.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka hor cadeeyay labada Eedeysane in ay is qabeen laakiin ay isku Guursadeen Magacyada Mustaf iyo Xaawo, waxa ay Maxkamadda ka hor sheegeen Eedeysanayaasha in Sarkaalkii xukumayay uu isku doonay, Sidoo kalane uu u dhiibay Magacyada Mustaf iyo Xaawo.

Qareenada Eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in loo Naxariisto, loona fiiriyo Qodobada Dambiga Fududeeyo, maadaama Eedeysanayaasha lala soo qabtay agabkii Qaraxyada ay u isticmaalayeen iyo Qarax diyaarsan.

Dhowr Fadhi kadib Maanta ayay Maxkamadda kuwada xukuntay min 15-sano oo  Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post