777 Views

Heshiis horudhac ah oo laga gaaray colaad beeleed ka taagneyd Galgaduud

Heshiis horudhac ah oo laga gaaray colaad beeleed ka taagneyd Galgaduud
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 07 2020—Odayaal dhaqan oo joojinta colaadda uga soo baxay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa ku guulaystay inay heshiis horudhac ah dhex dhigaan maleeshiyo shalay ku dagaalantay deegaanka Xananbuure ee woqooyiga gobolka Galgaduud.

Qodobada heshiiska oo ah mid bilow ah ayaa waxaa ka mid ah.

1. in xabad joojin shuruud la’aan ah laga sameeyo deegaanada Xananbuure iyo Qalaanqalle

2- In Maleeshiyaadka labada beelood oo lakala qaado, kuna laabtaan barahii ay ka yimaadeen.

4- In Ciidamadda Xoogga dalka ay sugaan amnigga deegaanadii lagu dagaalamay.

5- In la furo wadooyinka, lana soo celiyo xasiloonidda deegaanka.

6- In la qabto kulan dib u heshiisiineed oo balaaran, kaas oo lagu dhammaystirayo hawlaha harsan.

Ciidamada qaybta 21-aad ee xoogga dalka, Booliska Federaalka ee gobolkaas ka hawlgala iyo ciidanka nabad sugidda ayaa deegaanada lagu dagaalamay gaaray, waxaana ay ku guulaysteen inay colaadda joojiyaan, taas oo waxgaradka u suura galisay inay tallaabo u qaadaan dhinaca dib u heshiisiinta.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post