1578 Views

Ilhan Cumar Iyo Rashidiya Oo Maanta La Dhaarinayo

Ilhan Cumar Iyo Rashidiya Oo Maanta La Dhaarinayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jan 03 2019 —Iyadoo dhawaan la doortay xubno cusub oo ku soo biiray Cngresska Mareykanka ayaa waxaa lagu wadaa in la dhaariyo xubnaha cusub ee ku soo biiray labada aqal ee congresska Maraykanka, iyada oo sanadkan ay, gaar ahaan, aqalka hoose ku soo biirtay tiradii ugu badneyd ee dadka laga tirada badan yahay,taasi oo muujinaysa isbedel xoogan.

Bulshooyin badan oo kunool dalka Mareykank ayaa wax weyn u arka talaabadan,iyagoo muujinay farxad ku aadan guulaha ay gaareen shaqsiyaadka cusub oo ay kamid tahay Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed.

Dhanka kale dalka Mareykanka ayaa waxaa kajira jahwareer siyaasadeed,kaasi oo u dhexeey ahay’adaha fulinta iyo baarlamaanka.

Waxaa ay salka ku haysaa miisaaniyada la’aanta dowladda oo saameyn kuyeelatay howlihii adeegyada hay’adaha dowladda dalkaasi oo weli xayiran,taasi oo saameyn ballaaran ka dhalankarta hadii ay sii socoto.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dadaal ugu jira sidii miisaaniyadda dalkaasi loogu kordhin lahaa malaayin dollar oo lagu dhisayo derbiga Mareykanka iyo Mexico.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment