840 Views

Xubno kamid ah Guddiyada Farsamada ee doorashooyinka oo kulan yeeshay

Xubno kamid ah Guddiyada Farsamada ee doorashooyinka oo kulan yeeshay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-09-2020-Magaalada Muqdisho waxaa kulankii ugu horeeyay ku yeeshay qaar kamid ah Xubnaha Guddiga farsamada Dooraashoyinka dalka ee ka kala socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada.

Kulanka ayaa waxaa sida la sheegay ka maqnaa Xubnaha Guddiyada matalaya Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka, kuwaas oo la sheegay inay sheegeen inaysan isku aamiin karin Muqdisho

Kulanka ayaa horudhac u ahaa kulamo la filayo inay yeeshaan Xubnaha Guddiyada ee loo xil saaray kasoo talo bixinta arrimaha doorashooyinka dalka ka hor Shirka la filayo in 15-ka Bishaan ay Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ku yeeshaan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post