687 Views

Raisal wasaare Rooble oo odayaasha beesha Habar Gidir kala hadlay Xaalada Jeneral Saadaq Joon

Raisal wasaare Rooble oo odayaasha beesha Habar Gidir kala hadlay Xaalada Jeneral Saadaq Joon
____________________________________________________________________________

April 20-2021

Wararka ka imaanaya Xafiska Raisal Wasaarasaha aya sheegaya in Kulan uu la yeeshay  Rooble odayaasha beesha Habar Gidir ee taageersan dowladda, waxa uuna kala hadlay in dowladda waqtigeeda dhamaaday aysan duulaan iyo weerar ku qaadi doonin taliyihii guud ee ciidamada booliska gobolka Banaadir Jeneral Saadaq Joon ee xilka laga qaaday Maalmo ka hor.

Rooble ayaa Suldaanka beesha Habar Gidir, Suldaan Mahdi Cabdirisaaq Maxamuud iyo Xubno la socvday u sheegay arintaas, waxa uuna ka codsaday in xaalada la dajiyo.

 “Ra’iisal wasaarahu wuxuu noo damaanad qaaday in dowladda aysan duulaan ku aheyn Shiirkole, Saadaq-na aysan duulaan ku aheyn arrinkaasina ay jacel yihiin qaab wada hadal ah iyo is-fahan in lagu dhameeyo,” ayuu yiri Suldaan Mahdi Cabdirisaaq Maxamuud oo ka warbixinayay wixii ay isla garteen Ra’iisul wasaare Rooble iyo waxgaradka beesha Habar Gidir.

Sidoo kale Suldaan Mahdi Cabdirisaaq ayaa meesha ka saaray welwelka iyo cabsida maalmahaan ka jirtay Muqdisho, isagoona sheegay in juhdi badan ay ku bixiyeen sidii loo baajin lahaa dhibaato soo gaarta shacabka deegaanka Shiirkole degan, islamarkaana aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo dadkaasi oo ay mas’uuliyadeeda ay qaadeen.

OFFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post