1713 Views

Akhriso:-Amar Lagu Soo Rogay Dadka Booqanaya Xafiiska Madaxweynaha Puntland

Akhriso:-Amar Lagu Soo Rogay Dadka Booqanaya Xafiiska Madaxweynaha Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 05 February 2019 –Wareegto ka soo baxday Madaxtooyadda maamulka Puntland ayaa waxaa lagu joojiyay in ilaa iyo amar dambe  wax dadka aysan soo booqan karin Xafiiska Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Dhammaan Golayaasha dowlada ayaa waxa si xushmad leh loogu waregeliyay in daruufo jiro awgood la hakiyay inta muddo ah balamada iyo qaabilaadda Madaxweynaha Puntland.

Laamaha amniga Madaxtooyadda Puntland ayaa waxaa la faray in laga bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 5-ta Bisha labaad 2019 la joojiyay qaabilaadda dadka u imaanayo Madaxweyne Deni  ilaa iyo amar dambe

Amarkaan ayaa dabada socda xili ololaha soo Magacaabista Golaha Wasiiradda Puntland ay socdaan uuna  mashquul noqday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni,isla markaana ay buux dhaafiyeen dad farabadan.

Hoos ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Madaxtooyadda Maamulka Puntland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment