1248 Views

Feysal Cali Waraabe: “Waan joojinaya wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland

____________________________________________________________________________

Arbaco: November 24, 2021

Magaalada Nairobi waxaa jooga wafdi ka socda xisbiyada mucaaradka ee jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanid augu dhawaaqaday ee Somaliland oo ay hogaaminayaan madaxda xisbiyadaas.

Faysal Cali waraabe oo ka mid ah madaxdaas ayaa BBC u sheegay in ujeedada ay u scdaan ay tahay sidii ay doorashada dabayaaqada sannadka dambe ka dhici doonta Somaliland ugu raadin lahaayeen taageero farsamo iyo mid dhaqaale.

Faysal wuxuu kaloo BBC u sheegay in uu weli yahay musharrax mar kale u taagan tartanka madaxtinimada Somaliland.

Wxuu intaa ku daray in uu qorshaynayo in uu baarlamaanka hor geeyo in la joojiyo wadahadalladii u dhaxeeyey Somalia iyo Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwo khasaare mooyee aysan faa’iido ugu jirin.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post