1566 Views

Khilaaf Weli Ka Dhex-Taagan Madaxda Gobolka Hiiraan

Khilaaf Weli Ka Dhex-Taagan Madaxda Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 18, 2018 –Waxaa weli taagan khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee Maamulka Gobolka Hiiraan,waxaana weli jirin cid weli ku guuleysato inay xal ka gaarto kilaafkaas.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed) iyo ku xigeenkiisa dhinaca amniga Cabdiraxiin Muxumed Taakoy ayuu khilaafkaas u dhaxeeyaa.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakoy ayaa sheegay in weli khilaafkaas uu taagan yahay,isla markaana aysan jirin cid xal ka gaartay.

Waxyaabaha ay isku-khilaafeen ayuu sheegay inay la xiriirto nidaamka dowladnimo,hayeeshee warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka bilaawday Arrimo dhinaca Maaliyadda ah.

Wasiirka arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle ayuu sheegay in uu la xiriiray,isla markaana uu u gudbiyay khilaafkaas,kana sugayaan jawaab.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa dhawaan Wareysi suu siiyay Radio Dalsan waxa uu ku hanjabay in uu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo kahor-timaada nidaamka dowladnimo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment