1470 Views

Midowga Afrika oo u magacaabay madaxwaynihii hore ee Ghana inuu noqdo ergayga gaarka ah ee dhex-dhexaadinta Soomaaliya.

Midowga Afrika oo  u magacaabay madaxwaynihii hore ee Ghana inuu noqdo ergayga gaarka ah ee dhex-dhexaadinta Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

May 7, 2021

Waxaa Midowga afrik ay ku dhawaqeen Ergayga Somali u qaabilsanaan doono dhinaca doorashada iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa u magacaabay madaxwaynihii hore ee dalka Ghana, John Dramani Mahama inuu noqdo ergayga gaarka ah ee dhex-dhexaadinta is-mari waaga doorashada Soomaaliya.

Moussa Faki Mahamat ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Madaxweyne Mahama wuxuu kala shaqeyn doonaa saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay gaaraan tanaasul la wada aqbali karo oo ku wajahan xal loo dhan yahay oo ku aadan qabashada doorashooyinka Soomaaliya, waqtiga ugu gaaban, uguna macquulsan.”

“Isaga oo fulinaya waajibaadkiisa, wakiilka sare waxaa taageeri doona Amisom, si loo xaqiijiyo in dadaallada dhex-dhexaadinta iyo howlgalka taageeridda nabadda ay u wada shaqeeyaan si habsami leh.”

Sidoo  kale Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay u wada-xaajoodaan si daacad ah, ayna danta iyo wanaaga shacabka Soomaaliyeed ka hormariyaan wax kasta oo kale, ayaga oo raadinaya heshiis loo dhan yahay oo laga gaaro xasaradaha doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post