291 Views

UK oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya

____________________________________________________________________________

Xafiiska Arrimaha Dibedda UK ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Michael Nithavrianakis loo magacaabay safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsan Soomaaliya.

Michael Nithavrianakis ayaa beddelaya Ms Kate Foster oo xilkan haysay tan iyo bishii Febraayo ee 2021.

Mr Nithavrianakis ayaa xilka la wareegay bisha May ee 2023, sida lagu sheegay qoraalka xafiiska arrimaha dibedda.

Michael Nithavrianakis waa diblomaasi rug caddaa ah oo xilal dhowr ah kasoo qabtay xafiiska arrimaha dibedda, oo ay ugu dambeysay inuu ahaa qunsulka guud iyo agaasimaha ganacsiga iyo maal-gashiga ee qunsuliyadda UK ee Milan, Italy, 2022 illaa 2023.

Waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyey safaaradaha iyo qunusliyadah UK ee dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Afghanistan, Greece, Sacuudi Carabiya iyo Ghana.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post