534 Views

Madaxweyne Deni oo ka tacsiyadeeyay askar ku geeryootay shil gaari

Madaxweyne Deni oo ka tacsiyadeeyay askar ku geeryootay shil gaari
____________________________________________________________________________

Talaado: March 8, 2022

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Ciidamada Daraawiishta heerarkooda kala duwan uga tagay si uu ugu soo tacsiyeeyo Shilka Gaari ay Ciidamadu ku galeen inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe, kaas oo ay ku geeriyoodeen Lix Askari oo ka tirsanaa ciidamada.

Madaxweynaha ayaa si gaar tacsi ugu diray Taliyaha Ururka Afraad ee Dayax ee Ciidamada Daraawiishta Puntland G/Sare Mubaarik Maxamed Warsame iyo Saraakiisha kale ee Ciidamadaasi, kuwaas oo uu uga tacsiyeynayo geerida AHUN Kabtan Khadar Cabdi Jalfis  iyo Shan Askari oo kale oo shilkaasi ku geeriyooday.

Ugu dambeyn Saciid Deni ayaa xusay In Ciidamada Puntland ay yihiin kuwa laf-dhabar ah, wuxuu tilmaamay in askarta geertootay ay Soomaali oo dhan si gaar ah reer Puntland ay ka wada baxeen,Isagoo Alle ugu baryay in janadiisa uu ka waraabiyo, halka kuwa dhaawacana uu u rajeeyay in ay kasoo bogsadaan, eheladii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeena  waxaa uu ugu duceeyay in uualle Samir iyo iimaan kasiiyo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post