738 Views

Cabdiraxmaan Al-Cadaala ” Waxaa jira shaqsiyaad xoog ku raadinaya Xubnimada Baarlamaanka Soomaaliya”

Cabdiraxmaan Al-Cadaala ” Waxaa jira shaqsiyaad xoog ku raadinaya Xubnimada Baarlamaanka Soomaaliya”
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 6, 2022

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XS Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala oo dadweyne kula hadlayay barta Clubhouse-ka ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee socda si gaar ah kuraas doorashada natiijaddooda ay kasoo horjeesteen Guddiga FEIT.

Cabdiraxmaan Al-cadaala ayaa sheegay in ay jiraan Shaqsiyaad si xoog ah ku raadinayo xubinada Baarlamaanka Soomaaliya si xoog ah, iyaga oo baal maraya dastuurka iyo nidaamka kale ee Dalka u dagsan.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta wuxuu hadalkiisa intaa ku daray in Dadka qaar ay doonayaan inay dhinac maraan nidaamka lagu heshiiyay iyo go’aanka Guddiga Doorashooyinka uu ka gaaray kuraasta uu joojiyay.

“Waxaan oo dhib ah maxaa loo marayaa oo dalka loo gelinayaa, waxaa loo gelinayaa qof raba in uu noqdo fowqal-qaanuun, qof dhahaya FEIT go’aan iima gaari karo waa in aan dhinac maro oo sida aan rabo qori ku gaari karo, meesha aan rabana qori ku fadhiisto, haddii sidaas lagu tagi karo maxaa dad badan bannaanka u joogaan, waxa na reebay waa waxa lagu heshiiyay” Sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cadaala.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Guddiga FEIT go’aanka uu ka gaaray kuraasta uu baabi’iyay natiijadooda uu u madaxbannaan yahay, isagoo si cad u beeniyay in uu gacan ku leeyahay go’aankaas Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

“Kuraastaas guddi baa go’aan ka gaaray waxa ay yiraahdeen waa in lagu celiyaa, go’aan kale oo cid kale ka dhinac gaari karto ma jirto, FEIT waa guddi madaxbannaan oo shaqadiisa heysta, Jaceylka iyo Naceybta Maxamed Xuseen Rooble qofna xildhibaan ku noqon maayo kumana weynaayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS.

OFFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post