942 Views

Al-shabaab oo Weerar dhabo gal ah ku qaaday Guddoomiyaha cusub ee degmada Luuq

Al-shabaab oo Weerar dhabo gal ah ku qaaday  Guddoomiyaha cusub ee degmada Luuq
____________________________________________________________________________

Axad, 7 Febraayo  Qaranimo Online

Warar  dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shaabab ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay wadada xariirisa magaalooyinka Luuq iyo Doolow, waxuuna ku bilaawday weerar jid-gal ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen gadiid uu la socday guddoomiyaha cusub ee degmada Luuq.

Sidoo kale Kolonyada guddoomiyaha ayaa markii la weeraray ka timid dhinaca degmada Doolow, waxaana halkaas ka dhacay dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post