687 Views

Kim Jong Un walaashiis oo ‘khiyaameyn’ ku eedeysay madaxda Korea-da Koonfureed

Kim Jong Un walaashiis oo ‘khiyaameyn’ ku eedeysay madaxda Korea-da Koonfureed
____________________________________________________________________________


Talaado: August 10, 2021

Gabadha saameynta leh ee la dhalatay hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa mas’uuliyiinta Seoul ugu yeertay “khaa’imiin” sababo la xiriira dhoola-tuska militari ee ay si wadajirka ah u sameynayan Korea-da Koonfureed iyo Mareykanka.

Kim Yo Jong ayaa ka digtay in labadan dal ee xulufada ah ay wajihi doonaan halis amni oo weyn oo ka dhalata arrintan, sababtoo ah ayey tiri “Pyonyang waxay sare u qaadi doontaa awooadeha difaac.”

Hadalladii ugu dambeeyey ee Kim Yo Jong ayaa imanaya xilli ay isu soo dhowaansho lama filaan ah ka jirto Jasiiradda Korea, taasi oo ka dhalatay warqado dhowr ah oo ay is-dhaafsadeen walaalkeed iyo madaxweynaha Korea-da Koonfureed Moon Jae-in.

Labada dhinac ayaa bishii tegtay ku dhowaaqay inay soo celiyeen isgaarsiintii labada dal oo muddo ka badan sanad go’neyd, ayaga oo ku dhowaaqay in labada hoggaamiye ay isku raaceen inay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka.

Hase yeeshee Kim Yo Jong – oo la-taliye muhiim u ah walaakeed – ayaa ku cambaareysay Koonfurta qabashada dhuula-tus militari oo “halis ah” oo kala qeyb-galayaan Mareykanka.

Waxay sheegtay “inay aad uga xun tahay dhaqanka khiyaameynta ah ee mas’uuliyiinta Korea-da Koonfureed,” sida lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaaladda wararka Pyongyang ee KCA.

Hadalkeeda ayaa yimid ayada oo Mareykanka iyo Korea-da Koonfureed ay dhoola-tuska militari billaabeen Talaadada maanta ah.

AFP

OfFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post