786 Views

Taabit Cabdi” Natiijadii imtixaanka ka soo baxday Wasaaradda Waxbarashada waxaa ku jiray humaag badan”

Taabit Cabdi” Natiijadii imtixaanka ka soo baxday Wasaaradda Waxbarashada waxaa ku jiray humaag badan”
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 07 2020
—Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Natiijadii imtixaanka ee shalay ka soo baxday Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka oo Arday badan oo ku sugan Magaalada Muqdisho ay dhaceen.

Qoraal dheer oo uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in walaaca arrintaasi ay ka muujiyeen ardayda iyo Waalidiinta ay la qabaan,isla markaana aysan fududeyn in si fudud oo aan daliil maangal ah la socon lagu tuuro mustaqbalka 8,550 arday, oo xilli adag wax ku soo bartay.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.

Natiijadii imtixaanka ee shalay ka soo baxday Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah waxaa ku jiray humaag badan iyo waxyaabo is diidan, waxaana walaaca iyo baahida loo qabo in arrintaas la turxaanbixiyo la qabnaa ardeyda, waalidiinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee sida togan uga hadlay arrinkan.

Anigoo dareensan culeyska shaqada ay Wasaaraddu heyso, haddana ma sahlana in si fudud oo aan daliil maangal ah la socon lagu tuuro mustaqbalka 8,550 arday, oo xilli adag wax ku soo bartay, xilli adagna sannadkan imtixaan u fariistay.

In guud ahaan 25% ardaydu ku guul dareystaan imtixaan qaran ma’ahan mid lagu macneyn karo daddaal-yari arday iyo tayo-darro dugsi, balse waxey burbur iyo guul darro ku tahay nidaamka waxbarasho ee dalka.

Dhanka kale, waa arrin ugub ah in 36% ay dhaceen ardeydii Gobalka Benaadir sannadkan u gashay imtixaanka, waxeyna u baahan tahay tafaasiil caqli gal ah sababta keentay hoos u dhaca sidaa u weyn sanad guddahii.

Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare, waxaa looga fadhiyaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan bulshada ugu soo bandhigto caddeymo iyo tafaasiil si dhab ah loogu kuur galay (empirical evidence) oo bulshadu lagu qancin karo.

Ugu dambeyn, iyadoo la tixgalinayo dareenka ardeyda, waalidka iyo cid walba oo shaki badan ka qaaday natiijadan, waxaan soo jeedineynaa in arrinkan loo saaro guddi baara; sidii imtixaanka loo qaaday, sidii loo saxay, hadii aan goobbaha qaar la sixin iyo ammaanada imtixaanka, taas oo dawo u noqon doonta walaaca taagan, daahana ka rogi doonta cidda laheyd mas’uuliyadda guul daradda nidaamka waxbarasho ee dugsiyada dalka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post