822 Views

Dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab

Dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 20 2021=Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool, waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ka howlgalla degaannada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay Al-Shabaab sida la sheegay ay gubeen 7 Gaari Dameer oo Raashinka noocyadiisa kala duwan u waday degmada Xudur oo u go’doonsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ururka 260 ee Guutada 9aad qeybta 60aad ayaa sheegay inay u gurmadeen dadka Gaari Dameerada laga gubay, isla markaana dagaal ka dhacay ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen.

Dadka degmada qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in intii uu socday dagaalka siweyn looga dareemay degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Saraakiisha Ciidanka Ururka 260 ee Guutada 9aad qeybta 60aad ayaa soo bandhigay Sawirada 7 Gaari Dameer iyo Raashinkii ay wadeen oo qaarkood la gubay, balse ay soo badbaadiyeen Ciidamada dadkii waday Gaari Dameerada.

Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa muddo sanado ah waxaa ay u go’doonsan tahay Ururka Al-Shabaab, waxaana ay duleedka degmada ku beegsadaan cid kasta oo isku dayda inay Raashin geeyso gudaha degmadaas.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post