1419 Views

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo ka hor yimid go’aankii kasoo baxay guddiga doorashada

____________________________________________________________________________


Sabti: November 27, 2021

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in doorashada Afar kursi oo kamid ah Golaha Shacabka la qaban doono Maalinta Berri ah.

Kuraasta lagu dhawaaqay in berri la dooranayo ayaa kala ah:

1)  HOP103

2) HOP189

Guddiga doorashada ayaa liiska kuraasta Berri la dooranayo kusoo daray HOP103 oo ah kursiga uu ku fadhiyey Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari kaasoo uu hakiyey doorashadiisa guddiga  doorashada FEIT.

Sida ay xogta sheegeyso guddiga doorshada Koonfur Galbeed ayaa diiday go’aanka kasoo baxay guddiga doorashada Heer Federaal, wuxuuna guddiga  go’aan ku gaaray in Berri la qabto doorashadiisa.

Warqad kasoo baxday xafiiska guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in cabasho ay ka timid Jawaari, taas oo la xiriirta habraaca loo maray diiwaan-gelinta kursigaasi.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in shir ay ka yeesheen arrintan, kadibna la’isku raacay in la hakiyo doorashada kursigan, illaa iyo inta laga xalinayo tabashada ka jira.

Guddiga ayaa sidoo kale faray guddiga doorashada Koonfur Galbeed inuu dhaqan-geliyo go’aankan, isla-markaana uu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP#103.

Tan ayaa bilow u ah khilaafka maamulka doorashada ee ka dhex bilaaban doonta Guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

By Saalax Saciid Sabriye 

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post