327 Views

Midowga Yurub oo hakiyay gargaarka cunnada ee Soomaaliya

Midowga Yurub oo hakiyay gargaarka cunnada ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Guddiga Fulinta ee Midowga Europe waxay si KMG u hakiyeen Dhaqaalihii loogu yaboohi jirey Xafiiska Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP, kadib, markii la shaaciyey Xog ay soo diyaariyeen Baarayaasha QM, loona gudbiyey Xoghayaha Guud ee QM bishii July 7-dii ee sanadkan.

Baarayaasha ayaa soo ogaaday inay jirto Xatooyo Baahsan iyo in si qaldan loo isticmaalo Kaalmada looga hor tegi lahaa Macluusha.

Midowga Europe waxay in ka badan 7 milyan oo Dollar ku bixiyeen Hawlgallada Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ee gudaha Somalia sanadkii hore ee 2022-ka.

Afhayeenka Golaha Europe, Balazs Ujvari oo ay Wakaallada Wararka REUTERS wax ka weydiisay arrintaasi, waa uu ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo Hakinta KMG ee lacagihii la siin jirey Xafiiska WFP ee Somalia.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Midowga Europe ayaa isagana sheegay in Go’aankaasi la qaatay, kadib, markii ay Baaritaanka QM lagu soo gebegebeeyey in Milkiilayaasha dhulka, Maamulada Maxaliga, xubno ka tirsan Ciiddanka Ammaanka iyo Shaqaalaha Samafalka ay dhamaantooda ku lug lahaayeen Xatooyada Kaalmooyinka loogu talagalay dadka aadka u nugul.

Sarkaalkaasi oo aan fasax u haysanin inuu la hadlo Saxaafadda ayaa sheegay in Deeqdaasi la soo celin doono marka ay Hay’adda WFP turxaan bixiyaan La-Hawlgalayaashooda ku sugan gudaha Somalia

Sarkaal kale oo ka tirsan Midowga Europe ayaa sheegay inuu Golaha Europe si firfircoon kala shaqeynayaan WFP sidii loo soo celin lahaa Cillaha ka jira Nidaamka, wuxuuna meesha ka saaray in xilligan la hakiyey Gargaarkii la siin jirey Xafiiska WFP ee ka hawlgala gudaha dalka Somalia.

Dhinaca kale, Devex Media oo ah Warbaahin diirada saarta Horumarinta Caalamiga waxay shalay oo Isniin ahayd soo daabacday Warbixinta ay Baarayaasha Xaqiiqo- raadinta ee QM ka soo diyaariyeen Lunsashada Deeqaha loogu tala-galay dadka Barakacayaasha (IDPs).

Baarayaasha waxay ka soo xigteen Barakacayaasha inay sheegeen in la siiyo Kala-bar Lacagaha Kaashka ee kaalmada oo ay ka helaan dadka Xilalka haya, oo ay kala kulmaan cabsi-gelin, Xarig iyo in laga saari doono Liiska dadka ka macaasho Deeqaha Xafiiska WFP ee Somalia.

Warbixibta Baarayaasha QM waxaa kaloo lagu xusay inay soo heleen in Xatooyo baahsan loo geysto Deeqaha Aadminimo ee loogu talagalay Barakacayaasha gudaha Somalia.

Si kastaba, 3 bilood ka hor, WFP iyo Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Horumarinta Caalamiga ee USAID waxay hakiyeen Gargaarkii Cuntada ee Ethiopia, kadib, Leexsasho Baahsan ee Deeqihii Caalamka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post