699 Views

Cabdiweli Gaas oo ku baaqay in si nabadgalyo ah lagu dhammeeyo xiisadda Deni & PSF.

Cabdiweli Gaas oo ku baaqay in si nabadgalyo ah lagu dhammeeyo xiisadda Deni & PSF.
____________________________________________________________________________

Isniin: November 29, 2021

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ahna Madaxweynihii Hore ee Puntland ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ee ka dhalatay Xil ka qaadista Agaasimaha Ciidanka PSF.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay ka digay in dagaal uu dhexmaro Ciidamada Dowlad-Goboleedkaas, waxa uu soo jeediyay in si xasiloon lagu dhammeeyo khilaafka.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynihii hore ee DG Puntland ayaa tilmaamay in mar ay soo martay is qabqabsi lamid ah kan ka dhex aloosan Hoggaanka PSF & Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

“Arrinta Boosaaso ka jirta waxa aan rajeynayaa in ay nidaam ku dhammaato, Puntland marweliba uu qalalaase ka bilawdo xal baa loo helaa, aniga waqtigeygii waxyaabaha nuucaas way soo mareen waxaana lagu dhammeyn jiray nabadgalyo, koley dad iiga faradhuudhuuban ayaa gacanta ku haya ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku adkeystay in xil ka qaadista uu ku sameeyay Maxamuud Cismaan Diyaano balse Unugta gaarka u tababaran ee PSF ayaa si cad uga hor timid xil ka qaadistaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post