1464 Views

Madaxweynaha Mareykanka uu digniin u direy dhigiisa Ruushka

Madaxweynaha Mareykanka uu digniin u direy dhigiisa Ruushka
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa dalka Britain ka bilaabay safarkiisa ugu horeeyay tan iyo markii uu xafiiska yimid, waxaana Russia uga digay in ay cawaaqib xun la kulmi doonto haddii ay la timaaddo ficilo aan loo baahneyn.

Mr Biden ayaa la yimid rabitaan ah in uu xoojinayo xiriirka xulafada Mareykanka ee xumaaday xilligii maamulkii Trump. Isagoo ka hadlayay saldhiga ciidanka cirka ee Suffolk, arbacadii waxaa uu fariin cad u direy madaxweyne Putin.

“Ma doonayno in aan dagaal la galno Russia waxaa rabnaa deganaansho iyo xiriir maangal ah,”.

Safarka sideeda maalin ah ee madaxweynaha uu ku joogi doono Yurub, waxaa uu ka qeybgali doonaa shirka dalalka hodanka ah ee G7, sidoo kale waxaa magaalada Geneva kula kulmi doonaa madaxweynaha dalka Russia Vladimir Putin.

Kulanka Biden iyo Putin ayaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin, xakameynta hubka, isbedelka cimilada, ciidanka Russia uu jooga dalka Ukraine, weerarada dhanka computerada iyo xariga hogaamiyaha mucaaradka Russia ee Alexei Navalny.

Madaxweynaha Biden waxaa uu xusay in Mareykanka uu dib u soo laabtay isla markaana dimoqraadiyada dunida si wadajir ah u wajahayso caqabadihii ugu adag oo quseeya mustaqbalkeena.

Shirka dalalka hodanka ah ee G7 ayaa jimcaha ka furmi doono Cornwall oo ku taala koofur galbeed England, waxaana diiradda la saari doonaa wax ka qabashada dhibaatada aafada COVID-19 iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa safmarada kale ee mustaqbalka imaan doona.

Warbaahinta UK waxay soo warineysaa in Ra’isul wasaare Boris Johnson uu sheegay in shirka lagu qeexi doono heshiis cusub ee caalami ah kaas oo caddeynaya sidii la isugu diyaarin lahaa aafooyinka imaan doona.

Sidoo kale, warbaahinta Mareykanka ayaa dhankeeda tabisay in maamulka Biden qorsheeyeen in 500 oo milyan oo kuuro oo talaalka COVID-19 ah la siin doono ku dhowaad 100 dal labada sano ee soo socota.

Madaxweyne Biden, shirka G7 ka dib waxaa uu u safri doonaa dalka Belgium halkaas oo kula kulmi doono wasiirada dalalka Gaashaan-Buurta NATO isniinta soo socota sida uu qorshuhu yahay.

Xiriirka Mareykanka iyo NATO ayaa ahaa mid xumaaday xilligii maamulka madaxweynihii hore Donald Trump, xoghayaha ururkaas General Jens Stoltenberg oo isniintii tagay Aqalka Cad, ayaa sheegay in madaxweyne Biden uu u muujiyay sida ay uga go’an tahay in xulafada Mareykanka uu xiriir adag la yeesho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post