741 Views

Nin Masaari ah oo xabsiga la dhigay kaddib markii uu ka soo muuqday muuqaal taleefan uu xaday

Nin Masaari ah oo xabsiga la dhigay kaddib markii uu ka soo muuqday muuqaal taleefan uu xaday
____________________________________________________________________________

Khamiis: October 21, 202

Dadka isticmaala baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ee waddanka Masar ayaa waxa ay hadalhayeen nin wajigiisa u muujiyay kumannaan qof mar uu ka soo dhexmuuqday taleefan uu qof ka dafay, iyagoo ku tilmaamay ‘tuugii ugu wanaagsanaa Masar’.

Maxamuud Ragheb, oo ah weriye ka tirsan warbaahinta Youm7, ayaa waxa uu toos baraha bulshada uga tabinayay warbixin xilli nin mooto watay uu soo abaaray oo uu ka dafay taleefoonkii uu warka ku tebinayay.

Ninka taleefanka dafay ma uusan ogayn in taleefanka toos war loogu tabinayay xilli uu damcay inuu bal eego markaas oo uu wajigiisu soo muuqday. Isla markiiba goobtii ayuu isaga carayay isagoo sigaar afka ku haysta.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Youm7, dhacdada ayaa waxa ay ka dhacday buundo ku taal magaalada afraad ee ugu wayn waddanka Masar, ee Shubra Al Khaimah, halkaas oo Ragheb uu si toos ah u duubayay dhibaatada ka dhalatay dhulgariir ku dhuftay halkaas oo cabbirkiisu uu ahaa 6.2 kaas oo burbur lixaad leh ka gaystay qeyba ka mid ah waddanka Masar.

“Mr Ragheb ayaa mar uu duubayay buundada ayaa qof uusan garanayn waxa uu yahay waxa uu ka dafay taleefoonkii. Markii kaamarada ay hoos u dhacday ayaa waxaa soo baxay wajiga wiil yar oo sigaar cabaya oo aad uga walwalsan in la daba socdo”, ayay tiri warbaahinta Youm7.

Sikastaba xaalku ha ahaadee ma jirin cid naxariis u muujisay weriyaha balse dadkii internetka isticmaalayay waxa ay intooda badan ka hadlayeen tuugga isaga oo baxsanaya sigaarka cabaya.

Mid ka mid ah dadka internetka isticmaalayay ayaa sheegay inuu aad u qoslay, halka mid kale uu su’aal waydiiyay aheyd sababta uu gadaal u eegayo oo u fiirinaayo in ladaba socdo iyo inkale xilli dunida oo dhan ay si toos ah u daaweneyso.

In ka badan 20,000 oo qof ayaa daawanaysay muuqaalka tooska loo tabinayay Facebook-ga markii falka boobka ah uu dhacayay.

Muddo 24 saacadood gudahood ah waxaa muuqaalkaasi ku daawatay 6.2 milyan oo qof, iyadoo tuugana si fudud ay mas’uuliyiinta ku soo heleen markii ay baadigoobkiisa galeen.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku dhawaaqday in xalay ay gacanta ku soo dhigeen ninkaasi.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ninka uu ahaa baaga-muundo ama uusan hayn wax shaqa ah, taleefankana uu ka iibiyay nin ganacsade ah.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post