990 Views

K/galbeed oo shaacisay jadwalka doorashada kuraastii ugu dambeesay

K/galbeed oo shaacisay jadwalka doorashada kuraastii ugu dambeesay
____________________________________________________________________________

 


Sabti: March 12, 2022

 Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka ee Maamulka Koonfur galbeed ayaa soo saaray jadwalka doorashada kuraas 7 ah, kuwaas oo ku harsaneyd.

Kuraasta la shaaciyay jadwalkooda, waxaa ay deegaan doorashadoodu tahay Magalaada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Guddiga ayaa sheegay in kuraasta 7- ah la qaban doono doorashadooda maalinta talaadada oo ay taariikhdu tahay 15ka bishaan.

Waxey kala yihiin kuraasta tirsigooda: Hop#181, Hop#204, Hop#197, Hop#179, Hop#164, Hop#172 iyo Hop#047.

Hadii ay dhacdo doorashada kuraastaan 7-da ah, Maamul Goboleedka Koofur galbeed waxaa uu noqonayaa Maamulkii ugu horreeyay ee soo gabagabeeya doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad, kuwaa oo doorashadooda lagu kala qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay oo ah deegaan doorashada koowaad iyo Magaalada Baraawe oo ah Caasimada Maamulka Koofur galbeed oo deegaan doorashada labaad ee maamulkaas ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post