837 Views

Puntland oo Maanta shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

Puntland oo Maanta shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 28 2020–Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay natiijada baar lagu sameeyay dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,kuwaas oo Wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay Cudurka.

Qoraal kasoo Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in uu hoos ugu dhacay dadka laga helayo Xanaanunka,isla markaana dadkii la baaray oo gaarayay 87 Ruux Cudurka laga helay 8 Ruux oo kala ah 7 Rag ah iyo Hal Dumar ah.

Wasaaradda waxaa ay sheegtay in dadka laga helay Cudurka COVID 19 ay kala joogaan Gobolada Nugaal,Mudug iyo Gardafu,isla markaana haatan dadkaasi Cudurka laga helay ay ku jiraan xaalad karantiil ah.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay gaartay 178 qof, waxaa u dhintay 6 qof halka ay ka caafimaadeen 15 qof.

Tirada la baaray ee laga helay Cudurka Coronavirus ee deegaannada Puntland kama mid ahan xaaladihii cusbaa oo ay shalay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya,hayeeshee Maanta la filayo inay Wasaaradda shaaciso.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment