2097 Views

Madxweyne Farmaajo Oo Gaaray Marka

Madxweyne Farmaajo Oo Gaaray Marka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 14, 2018 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose si uu kulamo gaar gaar ah ula yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magalaadaas.

Madaxweynaha ayaa waqti la qaadan doona Guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka oo ah dhallinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha Soomaaliya, kadib qaraxii Zoobe.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose si uu kulamo gaar gaar ah ula yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magalaadaas, wuxuu madaxweynaha waqti la qaadan doonaa Guutada 14-ka Octobar ee ciidanka xoogga dalka”. ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Ciidankan ayaa hawlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab ka wada qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose iyaga oo ka saaray magaalooyin badan oo ay Marka ugu horreyso.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment