1122 Views

Wasiir Sabriye” Dhaqanka Ahlusunna ka muuqda waa dib u noqosho”

Wasiir Sabriye” Dhaqanka Ahlusunna ka muuqda waa dib u noqosho”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 03, 2019–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa waxaa uu eedeyn kulul u jeediyey hoggaanka sare ee ahlusunna,isaga oo sheegay in hortaagan yihiin dhismaha Galmudug.

 

Waxaa uu sheegay Wasiirka  in waxa hadda ka muuqda deegaannada Galmudug aysan aheyn kuwii ay la soo bilaabeen Hoggaanka Ahlusunna,isla markaana aysan ka turjumeen arrimaha masiiriga ah ee Galmudug.

 

 

 

Waxaa uu ku eedeeyey hoggaanka Ahlusunna inay wadaan waxyaabo keeni kara dib u noqosho,waxaana uu ugu baaqay inay joojiyaan caqabad uu sheegay inay Ahlusunna ku yihiin dhismaha Galmudug.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya in dowladda ay diyaar u tahay inay xaliso tabashada ay qabaan,hayeeshee aan laga aqbaleyn in shuruud ku xiraan dhismaha Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment