804 Views

Galmudug oo faah faahisay Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb

Galmudug oo faah faahisay Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 15  2020–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu dhawaan tago Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ,halkaas oo la filayo inay kulan ku yeeshaan Madaxda Dowladda Soomaaliya & Dowlad goboleedyada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay tegay magaalada Dhuusamareeb, isaga oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda Dowlad goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Magaalada Garoowe.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Maxamed oo ku magac dheer Falagle ayaa xaqiijiyay safarka madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb,waxaana uu sheegay in qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha ay ka socoto Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa uu sheegay Wasiir Falagle in markii Madaxda Dowlad goboleedyada ay kasoo laabtaan Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya xasan Abshir Faarax oo ka dhacayo Garoowe in xilliga rasmiga ah uu Madaxweynaha imaanayo Dhuusamareeb lagala shirayo Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wasiirka warfaafinta Galmudug in wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb uu dhici doono waqtiga ugu dhow,isla markaana uu rajeynayo in wax wanaagsan ay kasoo baxaan Shirkaasi.

Amniga Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa aad loo adkeeyay,waxaana saacadaha soo soca tegi doona wafdi horudhac u ah safarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post