2280 Views

R/W Khayre oo kormeer ku tegay qaar kamid ah degmooyinka Gobalka Banaadir.

R/W Khayre oo kormeer ku tegay qaar kamid ah degmooyinka Gobalka Banaadir.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 14, 2018 — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyeen Wasiirka amniga, Taliyaha Ciidanka Nabad Suggidda, Xoghayaha Guud ee gobolka Benaadir iyo Saraakiil kale ayaa Xalay kormeer ay ugu kuur gelayeen xaaladda amni ee caasimadda waxa ay kusoo mareen qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Benaadir.

Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo ka warbixiyay kormeerka shaqo ee R/Wasaaruhu uu ku sameeyay Magaalada ayaa sheegay in uu ahaa mid loogu kuur-gelayay Amniga Magaalada Muqdisho.

“Kormeerka shaqo waxuu ahaa in aan u kuur galno amniga magaalada Muqdisho. Hadafka waxuu ahaa in Ciidamada aan la qeybsanno qabowga iyo xaaladda ay ku suganyihiin Maadaama aan nahay Mas’uuliyiinta Qaranka”, ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidaan oo kale kormeerro uu kula soconayo meesha ay marayaan howlaha lagu sugayo amniga waxa uu ugu tegay ciidanka loo xil saaray in ay sugaan amniga ee u taagan sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen ammaan laysku haleyn karo.

rw-kheyre-kormeer-4 rw-kheyre-kormeer-3 rw-kheyre-kormeer-1 rw-kheyre-kormeer-2

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment