357 Views

Shacabka Ruushka oo si xowli ah uga baxaya Dalkooda

Shacabka Ruushka oo si xowli ah uga baxaya Dalkooda
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 21, 2022

Tikidhada diyaaradeed ee ka baxa Ruushka ayaa si xawli ah loo iibinayay tan iyo markii uu Mr Putin ku dhawaaqay howlgalka.

Duulimaadyada tooska ah ee Moscow ilaa Istanbul ee Turkiga iyo Yerevan ee Armenia, ayaa u muuqda kuwa la iibiyay dhowrka maalmood ee soo socda.

Labada gooboodba waxay u ogolaadaan dadka Ruushka inay soo galaan fiis la’aan. Wadooyin kale, oo ay ku jiraan caasimadaha Georgia, Uzbekistan iyo Azerbaijan ayaa sidoo kale laga arkayaa baahida socdaalka ee sii kordheysa.

Weriyaha BBC-da ee bariga Yurub ayaa sheegaya in falanqeeyayaasha Ruushku ay durba shaki galiyeen ballanqaadyadii Mr Putin iyo wasiirkiisa gaashaandhigga ee ahaa in baaqa la xadidi doono.

Arrintan socdaalka ayaa kusoo beegmeysa xilli Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu sheegay in qeyb ahaan uu heegan geliyay ciidamadiisa si ay u difaacaan dhulkooda hooyo, madaxbanaanida iyo amniga shacabka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post