930 Views

Jaamacadda Benaadir oo xaflad soo dhoweyn ah u sameysay arday cusub (Sawirro) 

Jaamacadda Benaadir oo xaflad soo dhoweyn ah u sameysay arday cusub (Sawirro) 
____________________________________________________________________________

Xarunta Kambaska Dr. Ibraahim Caddow ee Jaamacada Banaadir oo ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu soo dhoweynayey boqolaal arday cusub oo sanadkan ka mid noqotay ardayda wax ka barata Jaamacadaasi ka dib markii ay soo dhameysteen Waxbarashada dugsiyada sare ee dalka.

Xafladan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay qeybtii koowaad ardayda cusub ee Jaamacada, Macalimiin, Waalidiin, Maamulka Jaamacada Banaadir, abwaano, xubno tirsan aqalka sare ee baarlamanka Somalia iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca  Maamulka iyo Maaliyada ee Jaamacada Banaadir Dr. C/raxmaan Xasan Cumar oo hadalo soo dhoweyn ah ka jeediyey munaasabada ayaa u sharaxay ardayda shuruucda Jaamacada, xuquuqda ay ku leeyihiin iyo waajibaadka ka Jaamacad ahaan laga laga rabo, wuxuuna waalidiinta ka codsaday iney maamulka u soo gudbiyaan wixii talo iyo tusaale ama cabasho ah oo ay qabaan isagoo balan qaaday in tixgelin buuxda la siin doono wuxuuna ardayda cusub ku booriyey iney waxbarashada ku dedaalaan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Benaadir Dr. Maxamed Max’uud Xassan (Biday) oo isna Munaasabadaas ka hadlay ayaa ardayda cusub uga mahad celiyey doorashada ay doorteen Jaamacada Banaadir.

“Farxad ayey inoo tahay inaan maanta xaflad soo dhoweyn ah u sameyno boqolaal arday oo ka mid noqonaya ardayda cusub ee Jaamacadda Banaadir sanad dugsiyeedka 2020-2021” ayuu yiri Dr. Biday oo intaas ku daray in Jaamacada lagu bilaabay hal kuliyad sanadkii 2002-dii taasoo ardaydii ugu horeysay ee loo qaatay ay ahaayeen 26 arday, isagoo sheegay in dedaal dheer ka dib ay haatan Jaamacadu gaartay heerkii ugu wanaagsanaa.

Dr. Biday ayaa ardayda cusub faahfaahin ka siiyey marxaladihii ay soo martay Jaamacada iyo guulihii ay ku talaabsatay, isagoo xusay in mudadii ay jirtay ay ka qelin jebiyeen arday kumanaan gaareysa oo bartay maadooyinka kala duwan ee Cilmiga kuwaasoo maanta ka shaqeeya ayuu yiri heyadaha kala duwan ee dalka, halka qaarkoodna ay waxbarasho sare u doonteen dibeda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan ay jaamacada ka qelin jebin doonaan arday fara badan oo wax ka bartay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada, isagoo xusay in Jaamacadu ay sii kordhin doonto dedaalkeeda ku aadan kor u qaadida aqoonta ardayda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Mu’asasada Tacliinta sare ee Banaadir Dr. Maxamed Dheere ayaa isna u balan qaaday ardayda cusub ee ku soo biirtay Jaamacadda iney heli doonaan tacliin tayo sare leh iyo soo dhoweyn wanaagsan isagoo dhinaca kale kula dardaarmay iney ilaaliyaan nidaamka iyo shuruudaha loogu talo galay in lagu Maamulo Jaamacadda.

Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia, kana mid ah aasaasayaasha Jaamacada Benaadir ayaa khudbad uu gebagebadii munaasabada ka jeediyey kaga hadlay waxyaabaha ay Jaamacada Benadir kaga horeyso Jaamacadaha kale iyo kaalinta ay kaga jirto horumarinta tacliinta sare ee dalka.

“Jaamacadda Benaadir waa Jaamacad laga aqoonsan yahay caalamka, waxaana taas u daliil ah ardaydii ka baxday maanta Jaamacadaha waaweyn ee caalamka ayey taqasusyo ku diyaariyaan, waxaana ardayda cusub leeyahay waxaad heysataan Jaamacad shahaadada aad ka qaadataan ay noqon doonto mid noloshiina wax badan ka bedeli doonta” ayuu yiri Dr. Dufle.

Sidoo kale, waxaa munaasabadaas hadalo iskugu jiray soo dhoweyn iyo baraarujin ah ka soo jeediyey Gudoomiyaha Golaha abwaanada Soomaaliyeed Cabdi Dhuux Yuusuf, agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. C/risaaq Yuusuf Axmed (Jalaaludiin) oo ka mid ah ardaydii sanado ka hor ka baxay Kuliyadda Caafmaadka ee Jaamacada Benaadir, Gufdoomiyihii hore ee Mu’asasada Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen Bushkuleeti iyo xubno kale.

Munaasabadan oo ku dhamaatay jawi aad u farxad badan ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay Suugaan kala duwan oo ay tiriyeen xubno ka tirsan golaha abwaanada Soomaaliyeed iyo Filim, kuwaasoo dhamaantood ka turjumeyay qiimaha ay leedahay Waxbarashada iyo kaalinta ay Jaamacada Benaadir kaga jirto horumarinta tacliinta sare.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post