1410 Views

Diyaarad sidday gaadiid dagaal oo ka dagtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Beledweyne

Diyaarad sidday gaadiid dagaal   oo ka dagtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Beledweyne
____________________________________________________________________________

Sabti: August 14, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in ay halkaas ka dagtay Diyaarad sidday gaadiid dagaal oo noocyo kala duwan leh, waxaana la sheregay in Diyaaradan ay siday gaadiidka Cabdibilaha ah.

Waxaa arintaas ka hadashay saacado kadib Wasaaradda amniga HirShabelle waxayna sheegtay inay ka kooban yihiin shan gaari oo Cabdi Bile ah iyo afar Mooto nooca laba lugaaleyda ah, kuwaas oo ay tilmaamtay in ay si rasmi ah ugu wareejiyeen maamulka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Qoraalka ka soo baxay wasaaradda amniga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa lagu sheegay in gaadiidkan ay isticmaali doonaan ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa sugaya amniga doorashooyinka ka dhacaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post