1149 Views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo Hargeysa ku qaabilay wefti ka socday aqalka Koongareeska ee dalka Mareykanka

Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi oo  Hargeysa ku qaabilay wefti ka socday aqalka Koongareeska ee dalka Mareykanka
____________________________________________________________________________

Talaado: December 14, 2021

Madaxweynaha  Somaliland , Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Hargeysa ku qaabilay wefti ka socday aqalka Koongareeska ee dalka Mareykanka, sida uu baahiyay xafiiska madaxtooyada.

Madaxweynaha waxay weftiga ka wadahadleen arrimo ay kamid yihiin amniga iyo horumarinta dimuqraadiyadda.

“Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya labada dal, arrimaha nabadgelyada mandaqadda, horumarinta Dimuquraaddiyadda, deggenaashaha gobolka geeska Afrika iyo arrimaha siyaasadda.” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale Somaliland ayaa waxa uu kulankaan u yahay kulankii ugu waynaa ama ay qaabilaan mas’uuliyiinta ugu saraysa caalamka tan iyo markii ay ku dhawaaqeen 30 Sano kadib in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post