1104 Views

Wararkii ugu dambeeyay Mooshin xilka qaadis ah oo laga Gudbiyay Madaxweyne Waare

Wararkii ugu dambeeyay Mooshin xilka qaadis ah oo laga Gudbiyay Madaxweyne Waare
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 31–2019 | —In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan baarlaamanka maamulka Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha maamulkaasi ka gudbiyay Mooshin xilka qaadis ah sidda ay Risaala u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi.

 

Qaar ka mid ah Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle ayaa Risaala u xaqiijiyay in Mooshinkaan dhawaan loo gudbiyay Guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle.

 

 

 

Waxa ay sheegeen in Guddoonka baarlamaanka ay ka dalbanayaan in uu fadhiisiyo xildhibaanada si looga doodo Mooshinkaan laga keenay Madaxweyne Waare.

 

Xildhibaanada ayaa xusay in Madaxweyne Waare uusan waxba ka qaban dhibaatooyinka jira degaanada maamulka Hirshabeelle, islamarkaana inta badan xildhibaanada uu Wasiiro ka dhigay si aan xilka looga qaadin.

 

Dowladda Soomaliya ayay sheegeen in ay faragalin ku heyso Mooshinka laga Gudbiyay Madaxweyne Waare, islamarkaana wafdi ka socda ay soo gaareen Magaalada Jowhar.

 

Waxa ay sidoo kale sheegeen in uu lunsaday xuquuqdii loogu tala galay Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment