879 Views

AKHRISO: Kenya iyo Somaliland oo ku heshiiyay 10 qodob

AKHRISO: Kenya iyo Somaliland oo ku heshiiyay 10 qodob
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 15, 2020 –Madaxweynaha jamhuuriyadda Uhuru kenyatt iyo Madaxweynaha Somaliland muuse biixi cabdi ayaa heshiis ka kooban 10 qodob ku kala saxiixday Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya.

Qodobada laga soo saaray Shirkii u socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa ka mid ah:

Madaxweynayaashu waxay mar kale caddeeyeen sida ay uga go’an tahay inay sii xoojiyaan xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Kenya iyo Somaliland. Waxay si qoto dheer u xuseen in iskaashiga u dhexeeya Kenya iyo Somaliland uu salka ku hayo aasaas mabaadii’da iyo mabaadi’da ujeeddadeedu tahay kobcinta nabad waarta, xasillooni, koritaan joogto ah, iyo barwaaqo wadaag ah. Arrintaan, waxay ku ballanqaadeen inay xoojiyaan oo qoto dheer yeeshaan iskaashiga u dhexeeya Kenya iyo Somaliland.

Madaxweynayaashu waxay caddeeyeen in hoggaamiyeyaashu ay mas’uuliyad ka saaran tahay sugidda nabadda iyo xasilloonida gobolka, si ay ugu suurta gasho dadka inay raadiyaan horumarka dhaqaalaha bulshada iyo xasilloonida.

Marka la eego, labada hoggaamiye waxay qireen in Somaliland sannadihii la soo dhaafay ay nabad ahayd oo xasilloonayd, taas oo ay ugu wacan tahay himilooyinka dimoqraadiyadda iyo aasaasidda hay’ado dawladeed oo adag. Kenya iyo Somaliland waxay sii wadi doonaan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta nabadda iyo xasilloonida, iyo raadinta barwaaqo wadaagga.

Intii ay socdeen wada hadaladooda, hogaamiyayaashu waxay diirada saareen xoojinta ganacsiga labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga xagga duulimaadyada oo ay ka mid tahay suurtogalinta duulimaadyada tooska ah ee isku xidha Nairobi iyo Hargeysa, iyo sidoo kale iskaashiga beeraha, horumarinta xoolaha, waxbarashada, Tamarta iyo iskaashiga ka dhexeeya dekedaha. Mombasa iyo Berbera.

Si loo dhaqan geliyo ballanqaadyadii la sameeyay, labada hoggaamiye waxay ku heshiiyeen jadwalka soo socda ee lagu fulinayo hawlo dhowr ah:

Kenya waxay Qunsuliyaddeeda ka furaneysaa magaalada Hargeysa dhamaadka bisha Maarso 2021. Sidoo kale Somaliland waxay isla waqtigaas ku casriyeyn doontaa Xafiiska Xiriirinta ee Nairobi.

Kenya Airways iyo diyaaradaha kale ee Kenya waxay bilaabayaan duulimaadyo toos ah inta udhaxeysa Nairobi iyo Hargeysa dhamaadka bisha Maarso, 2021.

Saraakiisha sarsare ee ku jira liistada horay loo sii cayimay oo ku tagaya Kenya dukumiintiyada safarka ee Somaliland si ay u codsadaan fiisaha elektaroonigga ah iyo helitaanka fiisaha imaanshaha dhamaadka bisha Maarso, 2021;

Saraakiisha sarsare ee ka socota Kenya iyo Somaliland inay ku heshiiyaan faahfaahinta iyo waqtiyada kor loogu qaadayo iskaashiga farsamada, oo ay ka mid yihiin hirgelinta barnaamijyada isdhaafsiga ee ay ku lug leeyihiin Ardayda, Saraakiisha Beeraha, Dhakhaatiirta, Kalkaaliyayaasha iyo xirfadlayaal kale.

Labada hoggaamiye waxay ballanqaadeen inay sii wadayaan ka wada shaqeynta ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika. Waxayna xuseen in Al-shabaab ay wali halista muuqata ku hayso gobolka. Marka la eego, waxay ku baaqeen ka-qaybgal caalami ah oo adag iyo taageeridda dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada Geeska Afrika.

Labada hoggaamiye waxay qireen sida ay Kenya uga go’an tahay Soomaaliya oo nabad ah, xasilloon, xoog leh oo barwaaqo ah, taas oo codadka dhammaan dadka Soomaaliyeed ay fursad u helaan inay ku muujiyaan rabitaankooda madax-bannaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post