471 Views

Cabdi Xaashi oo taageeray Go’aankii Xukuumadda ee Arrinta ONLF

Cabdi Xaashi oo taageeray Go’aankii Xukuumadda ee Arrinta ONLF
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa bogaadiyay go’aankii Golaha Wasiirada ee ay shalay sharci darro ku tilmaameen in Ururka ONLF uu yahay urur argagixiso ah iyo dhiibistii Cabdi kariin Muuse Qalbi-dhagax.
Guddoomiyaha oo hadal kooban siiyay Warbaahinta waxaa uu sheegay in go’aanka uu yahay mid uu aad ugu faraxsan yahay maadaama uu ahaa dambi ay geeysataay dowladda Soomaaliya uu madaxda ka yahay Farmaajo laguna dhiibay Cabdi kariin Muuse Qalbi-dhagax, isaga oo aan gelin wax dambi ah.

Waxaa uu hadkiisa uu intaasi ku daray in haduu ay jirtay dambi uu galay lagu Maxkamadeeyo dalkiisa, balse dal Shisheeye loo dhiibay, wuxuuna sicad u sheegay in qalad aheyd in Ururka ONLF oo ahaa mid u halgamayay xoreynta dhulka Soomaaliyeed lagu daro liiska waxa loogu yeero Argagaxisada.
Inta badan Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa aad u soo dhaweeyay Go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Xuseen Rooble uga laabatay qaraarkii Golihii Wasiirada ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay ONLF ugu aqoonsadeen Urur Argagaxiso.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post