1077 Views

Ciidamo katirsan NISA oo caawa xirtay waddooyinka gala garoonka Aadan Cadde iyo Shaki laga qabo

Ciidamo katirsan NISA oo caawa xirtay waddooyinka gala garoonka Aadan Cadde iyo Shaki laga qabo
____________________________________________________________________________

isniin: April 25, 2022

Ciidamo la sheegay in ay katirsan yihiin kuwa Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ay wehliyaan ciidamo yar oo booliis ah ayaa caawa xirtay waddooyinka gala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida aan wararka ku helnay ciidankan ayaa waddooyinka gala garoonka Aadan Cadde iyo xeendaabkiisa ku jartay gaadiidka dagaalka, waxa ayna celinayaan gaadiidka doonaya in halkaasi ka gudbaan.

Wali si dhab ah looma oga sababta ciidamada NISA u xirteen waddooyinka gala garoonka Aadan Cadde, warar soo baxaya ayaa sheegaya in aaga garoonka Aadan Cadde ku sugan yihiin taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin iyo taliyaha KMG ee NISA iyo xubno kale.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in ciidankan suurto gal tahay in caqabad ku noqdaan doorashada guddonka aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka ee beri lagu wado in ay ka dhacdo Teendhada afisiyooni.

Ciidanka NISA ayaa galabta ilaa caawa ku fashilmay in ay is hortaag ku sameeyaan in la dhaariyo 16-xildhibaan oo katirsan gollaha shacabka oo dhawwaan lagu soo doortay magaalada Ceel-Waaq kuwaa oo la siiyay shahaadada sidoo kale caawa la dhaariyay.

Guddoomiyaha KMG ee gollaha shacabka ayaa sidoo kale caawa shaaciyay in ciidamo katirsan NISA iyo kuwa booliiska soo weerareen, waxaana arrimahan oo dhan dhacayaan xilli beri iyo bari dambe la dooran doono guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka FS.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post