903 Views

Carruur u geeriyootay Bahal ku cunay (qaniinay) deegaan ka tirsan G/Sanaag

Carruur u geeriyootay Bahal ku cunay (qaniinay) deegaan ka tirsan G/Sanaag
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 13 2020–Wararka laga helayo Magaalada Xingalool oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Bahalka loo yaqaano Gungume ee halista ah uu laba Carruur ah ku dilay Tuulada dharkaynka oo ku taalla duleedka Magaaladaasi xingalool.

Labada Carruurta ah oo wada dhashay ayaa da’dooda waxaa lagu kala sheegay 5-sano jir iyo 7-sano ,isla markaana bahalka uu qaniinay xilli ay ku sugnaayeen hoygooda isla goobtana ay ku geeriyoodeen.

Waalidiinta labada Carruurta ah oo kamid ah Qoysaska Reer Miyiga ah ee ku nool Tuuladaas ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in xalay saqdii dhexe xilli Carruurta ay jiifeen uu bahalka Cunay sidaasina ay ku geeriyoodeen.

Labada carruurta ah ayaa saakay lagu aasay Tuulada dharkaynka ee duleedka Magaalada xingalool,waxaana dadka Tuuladaas ay saakay ilaa xalay baadi-goob ugu jiraan sidii loo heli lahaa dadka kalana looga badbaadin lahaa bahalkaas Carruurta dilay.

Dadka ku nool Tuulada dharkaynka ee duleedka Xingalool ayaa aad uga naxay dhacdadaas,iyaga oo gurmad u sameeyey qoyska labada Carruurta ah uu bahalka ka dilay ee ku nool tuuladaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment