909 Views

Golaha Wadatashiga Qaran oo la filayo saacadaha soo socda shir uga Furmo Kismaayo

Golaha Wadatashiga Qaran oo la filayo saacadaha soo socda shir uga Furmo  Kismaayo
____________________________________________________________________________

June 15 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya in saakay ay tagi doonaan magaalada Kismaayo Golaha Wadatashiga Qaran oo la sheegay in uu uga furmayo oo looga hadalyo sidii dalka doorasho looga qaban lahaa.


R/wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya shirka, iyadoona si weyn looga hadlayo dhameystirka heshiiska doorashooyinka.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saari doonaa dardar gelinta doorashada, iyo qiimeynta wixii ka qabsoomay heshiiska lagu saxiixay Muqdisho dhamaadkii bishii hore.

Madaxda Soomaalida ayaa wada dadaalo ku aadan sidii ay dalka ugu dhici laheyd doorasho lagu qanacsan yahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post