1485 Views

Askarta Waqqooyiga Korea oo dhoolatus ku sameeyey jabinta mutuleel iyo kala goynta silsilado bir ah

Askarta Waqqooyiga Korea oo dhoolatus ku sameeyey jabinta mutuleel iyo kala goynta silsilado bir ah
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 13, 2021

Warbaahinta Waqooyiga Korea, ayaa hawada soo galiyey sawiro iyo video muujinaya askar ku jirta tababar, taasoo ay awood ahaan u muujinayaan ku jajabinta walxo kala duwan gacmahoodda.

Dhoolatuska ayaa lagu soo bandhigay macrad la xiriira dhanka difaaca magaalada xarunta ah ee Pyongyang, taasoo ay daawanayeen madax tiro badan, oo uu ku jiro Kim Jong-un.

Jajabinta ay ku sameynayeen marmarka iyo kala goynta silsiladaha birta ah, ayaa la arkayey askarta iyagoo ku jiifa sariira dhalooyin ah oo mudacyo leh, iyadoo sidoo kale lagu xardhey jirkooda dhalooyin.

Gaba gabadii ayaa waxaa goobta ka muuqdey rag qoorta loo surey ulo bir ah, oo ay silsilidihii isku xirayey ay kala jarayaan.

Warbaahinta Korea-yada waqooyi, ayaa sheegtay in tani ay farriin u direyso cadawga dalkooda, taasoo askarta soo bandhigtay dhoolatuska ay si aan gorgortan laheyn u difaacayaan amniga guud ee dalkani.

Inkastoo aaneyba aheyn wax la isku sheego, haddana tababarkani ma ahan in lagu sameeyo guryaha, waxaana lagu baraarujinayaa dadweynaha iney ficiladan sameyntooda ka fogaadaan.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post