618 Views

Al-Shabaab oo weerar khasaaro geystay ka fuliyay Magaalada lamu

Al-Shabaab oo weerar khasaaro geystay ka fuliyay Magaalada lamu
____________________________________________________________________________

Talaado February 22, 2022

Al-Shabaab ayaa markale waxaa ay weerar khasaaro geystay ka fuliyeen tuulo hoostagta Magaalada laamu oo 12-KM ujirta deegaanka Baar Go’an ee gobalka Lamu, waxaana ay ku dileen dad Shacab ah.

Shacabka la dilay ayaa ku sugnaa Guryahooda, waxaana weerarku dhacay, iyada oo dadka ay jiifeen, sida ay sheegeen xubno katirsan laamaha Amniga Magaalada lamu

Majirin saldhig Ciidan oo Al-Shabaab weerareen, balse tuulada la weeraray ay degan yihiin dad Shacab ah, kuwaas oo saameyn weyn uu ku yeeshay weerarka.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Magaalada lamu ayaan si faah faahsan uga hadlin weerarka, waxaana la filayaa in dhawaan ay faah faahin Guud ka bixiyaan.

Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay kordhiyay weerarada ay ka fulinayaan degaannada u dhow Magaalada lamu, xilli Kenya ay heegan gelisay Ciidamadeeda si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabaab.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post