2022 Views

Dowladda Talyaaniga oo dib u celin doonta 500,000 oo muhaajiriin ah

Dowladda Talyaaniga oo dib u celin doonta 500,000 oo muhaajiriin ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL June 2, 2018 – Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha ee dalka Talyaaniga, Matteo Salvini waxa uu shalay sheegay in Dib-u-celinta Muhaajiriinta tahay mid ka mid ah Muhiimadiisa sare ee dalkaasi.

Matteo Salvini oo ka tirsan Xisbiga LEGA NORD PARTY waxa uu sheegay inay ka go’an tahay sidii looga hortegi lahaa Muhaajiriinta sida sharci-darradda ku soo gala Talyaaniga.

Wargeyska “The Guardian” ayaa qoray inuu  Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha ee dalka Talyaaniga, Matteo Salvini horey u ballan qaaday markii uu ku jiray Ololihiisa Doorashadda inuu Talyaaniga ka masaafurin doono 500,000 oo Soo-galooti ah.

Waxa kale oo uu tilmaamay inuu wax ka beddeli doono halka lagu hayo Muhaajiriinta magan-gelyo-doonka ah.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment